DUGSIGA AL-RAHAMA.

 

2916 E MCDOWELL RD PHOENIX AZ, tel :602-476-3724./602-481-1247.

 

TAARIIKH KOOBAN

Dugsiga Al-Rahma Waxa uu farac kayahay Dusigii Al-Faruq, Kaas oo la ' aasaasay dhamaadkii 1999kii Markaas oo Dadkii Qaxootiga ahaa ee Somaliyeed Si xawli ah loo keenayay Gobalka Arizona, Waxaana kamid ahaa Goobihii Aadka loo Dagay Dhinaca Galbeed ee magaalad Phoenix, Az, Halkaas ayaana laga Yagleelay Dugsigii ugu horeeyay ee ay qabsadaan Dadkii Somaliyeed ee Qaxootiga ahaa,

Dabadeedna Dadkii Waxay Usoo bateen Dhicana Bari ee Magaalada Phoenix Az, Waxayna sababtay in Dugsigii istaago, Halkaas oo Ardaydii dhiganaysay iyo Macalimintiiba ay dugsi la'aani soo food saartay,

Nasiib wanaag waxaa ILAAH (S/W), qadaray in Adeer Xuseen Calasow oo hada kamid ah gudiga Masjidul-Rahma, Gurigiisa ku amaamudo Dugsi uu uga golahaa in uu Caruurtiisa oo kali ah macalin ugu Qabto, Mudo yar gudaheedna waxaa kusoo xoomay caruurtii Dugsi la'aantu ay haysay Waxaana ku soo biiray Sh/ibraahim oo kamid ahaa Macalimiitii Hore ee Ardaydaas,Ardadii Waxay Halkaasi ku gaareen ilaa (60) lixdan Arday waxaana ku yaraaday gurigii wax loogu Dhigayay.

Tiiyoy sidaas tahay ayaa waxaa dhacay 9/11, Gurigii yaraana Caruurtii Badnayad waa loo aamini kari waayay Dugsigiina mar labaad ayaa la hakiyay si xal waara loo gaaro, Ilaah mahadii waxaa suuro gashay in la'isbaraarujiyo fadhiyana la qaato, waxaana kulamadii ka dhashay qodobo Dowr wayn ka qaatay Dhaqaajintii dacwada iyo Dugsigiiba,

  • Waxaa ka dhashay in loo istaago in aan Dhisano Masaajid, xiliga fog,
  • waxaa la isla gartay in baahida dhawna la sii isticmaalo Masjidka walaalaha (Bakistanka).
  • in Dib looga yagleelo Dugsigii Al-Faruq halkaasi.

Xiligaas oo ahaa 2002dii ayaa waxaa si xawli ah ku dhaqaaqay dacwadii iyo Dusigiiba oo helay meel ku haboon ilaa laga soo gaaro Aakhirkii 2007dii, Dugsigii iyo Dacwaduba Halkaas ayay ka socdeen,

Wada tashiyadii lagu taamayay in Masaajid la helo oo Joogto ahaa Riyadeedii waxay Rumowday Markii la Aasaasay Masjid Al-Rahma, Bartamahii 2008diina waxaa Dugsigii loosoo wada Raray Masjid Al-Rahma, Kaas oo Ilaa hada Magc ahaan iyo Maamul ahaanba ku Midaysan Masaajidka.

Guud ahaan Intii uu Dugsigu furnaa waxaa isku Dabamaray ilaa 300 (sadex boqol) oo Arday iyo Tobaneeyo Macalimiin ah,Fa'idooyinka ugu waaweyn ee la taabankaro waxaa ka mid ah in Ardaydii wax loogubilaabay iyo kuwii loogu dhamaystiray qaarka mid ihi ay haatan macalimiin ka yihiin.

XAALADA UU MARAYO

Hadeer Dugsiga waxaa dhigato ilaa 120 (Boqol iyo Labaatan ) Arday oo Gabdho iyo wiilalba leh, waxaana wax ka dhiga ilaa (6) lix Macalin Rag iyo Dumarba, Maamulna waa leeyahay uu dugsigu Hoos yimaado, maamulkuna waxaa uu Hoosyimaadaa Midka Masaajidka ee Guud,

Dugsigu waxaa uu leeyahay :

  1. Shuruuc,
  2. Labis
  3. Manhaj
  4. Diiwaan
  5. iyo Lacag Bile ah iyo Fariisin.

Dugsiga Waxaa la dhigaa Weekend, (Sabti iyo Axad), Sidoo kale waxaa la dhigaa maalmaha Isniinta -ilaa-Khamiista Iskuulka dabdii,Kaas oo ah Dugsiga Taxfiidka ,

DURUUSRA LA DHIGO

  • Qur'aanka kariimka
  • Akhris iyo Qoraal,
  • Ducooyin iyo Adkar,
  • Caqiidada iyo aadaabta islaamka oo lagu Tarbiyeeyo..

 

Wixii Faah faahin intaan Dheer kala xiriir Maamulka Dugsig Al-Rahma 

Sh/Ibraahim Tel :602-476-3724,   ama Macalin Axmed Cabbas 602-332-4721.

Our Sponsors
  • slider5